Laacib kooxda Liverpool ah oo shaaca ka qaaday in Van Dijk uu ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or 2019

(Liverpool) 01 Dis 2019 Indhaha taageerayaasha kubadda cagta ee adduunka ayaa ku sii jeeda caasimada Paris ee dalka Faransiiska, si ay ula socdaan xaflada lagu bixin doono abaal-marinta Ballon d’Or 2019 oo ay soo qaban qaabisay majaladda caanka ah ee France Football.

Inkasta oo xiddiga Barcelona ee Lionel Messi uu ku guuleystay kaliya horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, haddana bandhigiisa shaqsiyadeed ee aadka u fiicnaa ayaa ka dhigeysa inuu yahay shaqsiga ugu dhow ee ku guuleysan kara abaal-marintan.

Laakiin xiddiga kooxda Liverpool ee James Milner ayaa wuxuu muran xoogan ka dhaliyay baraha bulshada, kaddib markii uu boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku tilmaamay in saaxiibkiis Virgil van Dijk uu yahay guuleystaha abaal-marinta Ballon d’Or 2019.

Hadalka James Milner ayaa wuxuu imaanayaa kaddib bandhigii fiicnaa uu xalay ka sameeyay Virgil van Dijk kooxdiisa Liverpool, kaddib markii uu 2 gool ka dhaliyay Brighton, isagoo fariin uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay:

Image result for van dijk and James Milner

“Cajiib Virgil van Dijk, hadda orod oo tag ee inoogu keen guriga abaal-marinta Ballon d’Or 2019”.

Haddalkan uu sheegay James Milner ayaa waxay boggiisa Twitter-ka ka dhalisay dood weyn, iyadoo ay warbixinada qaar ay u fasirteen hadalkan in Milner uu ka war qabo qofka ku guuleysanaya abaal-marinta Ballon d’Or 2019, marka loo fiiriyo in sida caadiga ah majalada France Football ay u sheegto guuleystaha, in abaal-marinta uu ku guuleystay maalmo ka hor xaflada, sidaas darteed waxay u badan tahay in daafaca reer Holland uu u sheegay saaxiibkiis Milner inuu ku guuleystay.

Waxaa xusid mudan in Virgil van Dijk wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee BBC uu ku sheegay:

“Ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or 2019? waan arki doonaa, waxaan kalsooni ku qabaa waxa aan kula guuleystay kooxda Liverpool, waxaana halkaas u joogi doonaa hal arrin oo kaliya, halkaas kama jiri doonto wax guuldarro ah, waxaa jiri doona kaliya guuleyste, sidii aan horeyba u sheegay, waan ku faraxsanahay wixii aan kooxdeyda kula guuleystay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close