Kooxaha Juventus iyo Sassuolo oo dhibcaha ku qeybsaday Allianz Stadium…+SAWIRRO

(Turino) 01 Dis 2019Kooxaha Juventus iyo Sassuolo ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday Allianz Stadium, kddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Daqiiqadii 20-aad kooxda Juventuss ayaa hogaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay Leonardo Bonucci, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Rodrigo Bentancur.

Laakiin daqiiqadii 22-aad kooxda Sassuolo ayaa la timid goolka barbaraha, waxaana dheesha 1-1 ka dhigay Jeremie Boga, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Francesco Caputo.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta, labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad kooxda Sassuolo ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay Francesco Caputo.

Daqiiqadii 68-aad kooxda Juventus ayaa heshay rigoorre waxaana gool u badelay Cristiano Ronaldo, ciyaarta ayaana waxay sidaas ku noqotay barbaro 2-2 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Juventus iyo Sassuolo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close