Real Madrid oo guul ay u baahneyd ka soo gaartay kooxda Deportivo Alaves oo ay booqatay…+SAWIRRO

(Spain) 30 Nof 2019. Real Madrid ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay kooxda Deportivo Alaves oo ay marti ugu noqotay Estadio de Mendizorroza, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta, labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay kabtankooda Sergio Ramos, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Toni Kroos.

Daqiiqadii 65-aad kooxda Deportivo Alaves ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Lucas Perez, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbaro 1-1 ah.

Laakiin daqiiqadii 69-aad markale kooxda Real Madrid ayaa markale la wareegtay hogaanka ciyaarta, kaddib markii uu Dani Carvajal ka dhigay 1-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close