Newcastle United oo taako u dhigtay kooxda Man City oo marti ugu aheyd garoonka St James’ Park …+SAWIRRO

(England) 30 Nof 2019. Newcastle United oo taako u dhigtay kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd garoonka St James’ Park, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii Manchester City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Raheem Sterling, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis David Silva.

25 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda martida loo ahaa ee Newcastle United ayaa la timid goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay Jetro Willems, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Miguel Almiron.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta, labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

82 daqiiqo Manchester City ayaa markale la wareegtay hogaanka ciyaarta, waxaana markan 1-2 ka dhigay Kevin De Bruyne.

88 daqiiqo markale kooxda Newcastle United ayaa heshay goolka barbaraa, waxaana 2-2 dheesha ka dhigay Jonjo Shelvey

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Newcastle United iyo Manchester City.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close