“Ma jiro qof u qalma abaal-marinta Ballon d’Or marka laga reebo Lionel Messi”

(Spain) 30 Nof 2019. Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarineysa kulanka ay habeen dambe ku booqan doonto Atlético Madrid garoonka Wanda Metropolitano, si ay u wada ciyaaraan ciyaar ka tirsan kulamada 15-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay in Lionel Messi uu xaq u leeyahay inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or 2019.

48 saacadood oo kaliya ayaa inaga xigta bilaabashada xafllada lagu bixin doono abaal-marinada kala duwan  ee Ballon d’Or, taasoo Isniinta soo aadan ka dhici doonto caasimada Paris ee dalka France, iyadoo shaaca laga qaadi doono guuleystaha abaal-marintan oo ay ku tartamayaan saddexda xiddig kala ah Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Virgil Van Dijk.

Haddaba Ernesto Valverde ayaa kahor kulanka habeen dambe ay kula ciyaari doonaan Atlético de Madrid horyaalka La Liga wuxuu u sheegay warbaahinta:

Image result for Ernesto Valverde

“Waa in abaal-marinta Ballon d’Or la siiyaa Lionel Messi”.

“Ma ihi shaqsi la socda abaal-marinta Ballon d’Or, sababtoo ah saacado badan ayeey qaadaneysaa,  laakiin hadaad rabto inaad siiso ciyaaryahanka u qalma inuu noqdo kan ugu fiican adduunka, waa inaad siisaa Lionel Messi, markaas waxay noqon doontaa in wax walba la xaliyay” ayuu yiri tababare Valverde.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close