UEFA oo shaacisay shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii shanaad ee toddobaadkan laga ciyaaray Champions League

(Yurub) 28 Nof 2019. Xiriirka kubadda cagta qaarada Yurub ee “UEFA” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii Shanaad ee toddobaadkan laga ciyaaray Champions League, gaar ahaan labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo lagu daawaday kulamo aad u xiiso badan sida caadiga aheyd ee aan kaga baranay tartankan xiisaha badan.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa hogaaminaya shaxda kooxdan, kaddib bandhigiisii wacnaa uu ka sameeyay kulankii xalay ee Borussia Dortmund, isagoo ku hogaamiyay Barcelona inay guul ku gaarto 3-1, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna caawiyay labo gool kale.

Sidoo kale waxaa liiskan ku soo baxay weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski, kaddib afartii gool uu ka dhaliyay naadiga FK Crvena Zvezda, wuxuuna liiska gooldhalinta tartankan ku hogaaminayaa 10 gool.

Sidoo kale waxaa shaxda kooxdan ku soo baxay weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku, kaddib bandhigiis wacnaa uu xalay ka sameeyay kulakii Slavia Prague, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna caawiyay goolkii uu dhaliyay saaxiibkiis Lautaro Martinez.

Haddaba halka hoose kaga boggo shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii Shanaad ee toddobaadkan laga ciyaaray Champions League:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close