Jariiradda Daily Star oo shaaca ka qaaday halka uu ku sii jeedo Jadon Sancho… (Ma England mise Spain?)

(Yurub) 28 Nof 2019. Jariiradda Daily Star ayaa shaaca ka qaday halka uu ku sii jeedo Jadon Sancho kaasoo la la xiriirinayo kooxo badan oo ka kala dhisan dalalka England iyo Spain.

Sida ay warinayso Jariiradda Daily Star, Jadon Sancho ayaa ku sii jeeda dalka Spain, waxaana uu ku biiri karaa midkood kooxaha Barcelona ama Real Madrid halkii uu dib ugu soo laaban lahaa kubadda cagta Ingiriiska.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ayaa si aad ah loola xiriirinayaa kooxda Manchester United, laakiin waxaa la sheegayaa inuu ku sii jeedo kooxaha reer Spain.

Jadon Sancho oo bedel ku soo galay kulankii kooxdiisa Borussia Dortmund ay guuldarrada kala kulantay xalay Barcelona ayaa gool ugu shubay naadiga ka arrimisa garoonka Nou Camp, ciyaartaasoo ku dhammaatay 3-1 ay ku badisay Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close