Arsenal oo guuldarro la kulantay & dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray tartanka Europa League …+SAWIRRO

(Yurub) 29 Nof 2019. Kooxda reer London ee Arsenal ayaa guuldarro kala kulntay naadiga Eintracht Frankfurt oo marti ugu aheyd Emirates Stadium, kaddib markii loogu awood sheegtay 1-2, kulan ka tirsanaa kulamada wareega group-yada ee tartanka Europa League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 45-aad ee dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta kooxda Arsenal ayaa hogaanka u qabatay dheesh, waxaana 1-0 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkan ka caawiyay Gabriel Martinelli.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad kooxda Eintracht Frankfurt ayaa heshay goolka barbaraha waxaana dheesha 1-1 ka dhigay Daichi Kamada, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daichi Kamada.

Daqiiqadii 64-aad kooxda Eintracht Frankfurt ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-2 ka dhigay Daichi Kamada.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay guusha ku raacday kooxda Eintracht Frankfurt oo marti ku aheyd Emirates Stadium

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee UEFA Europa League.

GROUP A

F91 Dudelange 0 – 2 APOEL Nicosia

Sevilla 2 – 0 Qarabag FK

GROUP B

Lugano 0 – 1 FC Koebenhavn

Malmoe FF 4 – 3 Dynamo Kyiv

GROUP C

FC Krasnodar 1 – 0 Basel

Trabzonspor 0 – 1 Getafe

GROUP D

Rosenborg 1 – 2 LASK

Sporting CP 4 – 0 PSV Eindhoven

GROUP E

Celtic 3 – 1 Rennes

Lazio 1 – 0 CFR Cluj

GROUP F

Arsenal 1 – 2 Eintracht Frankfurt

Vitoria de Guimaraes 1 – 1 Standard Liege

GROUP G

Feyenoord 2 – 2 Rangers

Young Boys 1 – 2 FC Porto

GROUP H

CSKA Moscow 1 – 1 Ludogorets Razgrad

Ferencvaros 2 – 2 RCD Espanyol

GROUP I

Oleksandriya 0 – 1 Wolfsburg

Saint-Etienne 0 – 0 Gent

GROUP J

Istanbul Basaksehir 0 – 3 Roma

Wolfsberger AC 0 – 1 Borussia Mönchengladbach

GROUP K

Besiktas 2 – 1 Slovan Bratislava

SC Braga 3 – 3 Wolverhampton Wanderers

GROUP L

FC Astana 2 – 1 Manchester United

AZ Alkmaar 2 – 2 Partizan Beograd

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close