Juventus, Bayern München iyo Tottenham oo guulo gaaray iyo dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray Champions League… +SAWIRRO

(Yurub) 26 Nof 2019. Waxaa caawa la ciyaaray kulamda Shanaad heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen Juventus, Machester City, Bayern München, Atletico Madrid Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa dhibcaha ku kala qeyb saday garoonka Santiago Bernabeu, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, labada gool kooxda Martida loo ahaa ee Los Blancos waxaa u dhaliyay Karim Benzema, halka PSG ay kaga mahad celineyso Kylian Mbappe iyo Pablo Sarabia

Sidoo kale Kooxda Juventus ayaa guul muhiim ah kaga gaartay Allianz Stadium naadiga ka dhisan caasimada Spain ee Atletico Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, waxaana goolka u dhaliyay kooxda Bianconeri xiddigooda reer Argantina ee Paulo Dybala.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa soo laabasho cajiib ah sameysay waxayna 4-2 kaga adkaatay naadiga Olympiacos, waxaa goolasha u dhaliyay Spurska Harry Kane oo 2 gool ah, Dele Alli iyo Serge Aurie.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii Shanaad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

GROUP A

Galatasaray 1 – 1 Club Brugge

Real Madrid 2 – 2 Paris Saint-Germain

GROUP B

FK Crvena Zvezda 0 – 6 FC Bayern München

Tottenham Hotspur 4 – 2 Olympiacos

GROUP C

Atalanta 2 – 0 Dinamo Zagreb

Manchester City 1– 1 Shakhtar Donetsk

GROUP D

Lokomotiv Moscow 0 – 2 Bayer Leverkusen

Juventus 1 – 0 Atletico Madrid

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close