Dybala oo daaha ka qaaday heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka kala dhexeeya Messi iyo Ronaldo

(Turin) 25 Nof 2019. Weeraryahanka reer Argentina iyo kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa muujiyay sida weyn uu ugu faraxsan yahay inuu ka garab ciyaaro xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Paulo Dybala ayaa ka mid ah xiddigaha fara ku tiriska ah ee nasiibka u yeeshay inuu ka garab ciyaaro xiddigaha ugu fiican taariikhda kubadda cagta ee Ronaldo iyo Messi.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Paulo Dybala waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan ka hadlaynaa labo calaamad, waxay ka sareeyaan dhamaan ciyaartoyda kale hal ama labo talaabo, si fiican ayey u tartameen”.

“Xiriir wanaagsan ayaan la leeyahay Cristiano Ronaldo, wax badan ayaan wada hadalnaa”.

“Mararka qaar waqti dheer ayaan ka sheekeysanaa xulka, kooxda Juventus, mararka qaarna waxaan ka wada hadalnaa arrimo kale ee la xiriira kubadda cagta”.

“Sidoo kale Lionel Messi xiriirkeena aad ayuu u hormaray, si wada jir ayaan u fariisanaa xilliyada qaar sida galabkii oo kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close