Kaddib guushii ay xalay ka gaartay Chelsea Kooxda Manchester City oo 400 oo guul xirtay

(Manchester) 24 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xirtay 400 oo guul kaddib markii ay xalay garoonkeeda Etihad kaga adkaatay Chelsea oo marti u ahayd.

Man City waxaa loo diiwaan geliyey 400 oo guulo ah horyaalka Premier League kaddib markii ay xalay garaacday kooxda Chelsea.

Waxa ay haatan Manchester City gaartay 400 oo guulo ah horyaalka Preier League waana taariikhda kooxdan kaddib markii ay 2-1 uga akaadeen Blues.

Chelsea ayaa goolka la horreysay xalay waxaana 21’daqiiqo u dhaliyey xiddiga reer France N’Golo Kante, laakiin Man City ayaa guul soo laabasho ah gaartay kaddib labo gool oo ay ka kala heshay 29’daqiiqo Kevin De Bruyne iyo 37’daqiiqo Riyad Mahrez.

Dhinaca kale Kooxda Manchester City ayaa bandhig cajiib ah ku sameysay garoonkeeda Etihad kulammada horyaalka Premier League sanadka 2019:-

Kulammada ay ku ciyaartay: 16

Guulaha ay gaartay: 14

Barbaro: 1

Guuldarro: 1

Goolasha ay ku dhaliyey: 43

Goolasha looga dhaliyey: 9

Kulammada ay shabaqeeda gool kaga ilaashatay horyaalka garoonkeeda sanadkan waa 9 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close