SERIE A: Kooxda Juventus oo guul soo laabasho ah ka gaartay Atalanta BC oo ay booqatay… + SAWIRRO

(Bergamo) 23 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay naadiga Atalanta oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Serie A.

Kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, ha yeeshee qeybtii dambe ayaa la iska dhaliyey afar gool labada dhinac.

Juve ayaa goolka hore looga naxsaday 56’daqiiqo waxaana ugu shubay Robin Gosens oo ka tirsan Atalanta.

Kooxda Juventus ayaa markaas kaddib hurdada ka soo toostay waxaana labo gool oo deg deg ah u dhaliyey Gonzalo Higuain daqiiqadihii 74’aad iyo 82-aad, taasoo ka dhigtay inay Juve ay hoggaanka ciyaarta kula wareegtay 2-1.

Dhammaadkii ciyaartana Paulo Dybala ayaa goolka saddexaad ee Juventus raacsaday kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 ay ku adkaatay Juventus.

Inkastoo uu Cristiano Ronaldo ka maqnaa Juventus haddana wax dhibaato ah malahan, waxaana ay ku adkaadeen Marwada duqda.

Juventus ayaana haatan hoggaanka u haysa haatan 35-dhibcood, halka Inter Milan oo 31-dhibcood leh kuna jirta kaalinta labaad ay kulankeeda caawa ciyaareyso.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close