Kooxaha Milan iyo Napoli oo dhibacaha ku qeybsaday garoonka Giuseppe Meazza…+SAWIRRO

(Milan) 23 Nof 2019. Kooxaha Milan iyo Napoli ayaa dhibacaha ku qeybsaday garoonka Giuseppe Meazza, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah oo ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Daqiiqadii 24-aad kooxda martida aheyd ee Napoli ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga lagu magacaabo Hirving Lozano.

Laakiin daqiiqadii 29-aad kooxda AC Milan ayaa la timid goolka barabaraha waxaana 1-1 ka dhigay Giacomo Bonaventura, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Rade Krunic.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaaatay barbaro 1-1 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Milan iyo Napoli, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Giuseppe Meazza.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close