John Terry oo shaaca ka qaaday sababta ay ugu fashilmeen xiddigaha Saalax iyo De Bruyne waayahoodii Chelsea

(London) 22 Nof 2019. Kabtankii hore kooxda Chelsea ee John Terry ayaa wuxuu shaaca ka qaaday sababta ay xiddigaha Maxamed Saalax iyo Kevin De Bruyne ugu fashilmeen waayahoodii Blues.

xiddigaha Maxamed Saalax iyo Kevin De Bruyne ayaa waxay awoodi waayeen inay isku muujiyaan bilowga xirfadooda horyaalka Premier League oo ay xirnaayeen maaliyada kooxda Chelsea.

John Terry ayaa cadeeyay in Maxamed Saalax iyo Kevin De Bruyne aysan u fiicneyn sida la rabay si ay qeyb kaga noqdaan kooxda Chelsea uu xilligaas hoggaamiye ka ahaa macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.

Kabtankii hore kooxda Chelsea ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for Kevin De Bruyne, Salah and  John Terry

“Mourinho ma uusan ku khamaari Karin labadan dhalinyaro, iyadoo ay xiddigaha waaweyn bandhig fiican ka sameynayeen boosaskooda, waana sababta uu kursiga keydka u dhigay”.

“Saalax iyo De Bruyne ma aysan awoodin inay la jaan qaadaan heerarkii Jose Mourinho uu doonayay waqtigaas, waxay ahaayeen dad hibo leh laakiin sidoo kale waxay ahaayeen da’ayar”.

“Balse wey baxeen waxayna bandhig fiican ka sameeyeen meel kale, waxayna muujiyeen waqtigan awooddooda weyn, taasoo aysan kaga soo muuqanin kooxda Chelsea”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close