Muxuu ka yiri Gerard Pique wararka la xiriirinaya Neymar inuu dib ugu laabanayo Camp Nou?

(Barcelona) 21 Nof 2019. Daafaca reer Spain ee Gerard Pique ayaan meesha ka saarin suurtogalnimada uu Neymar Jr dib ugu soo laaban karo kooxda Barcelona xilliyada soo socda.

27 jirkan reer Brazil ayaa shaaca ka qaaday suuqii xagaaga ee la soo dhaafay rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda Paris St Germain, si uu ugu laabto Barcelona.

Si kastaba ha noqotee, Paris St Germain ayaa diiday dhamaan dalabyada kaga yimid kooxda ka dhisan gobolka Catalonia, iyagoo doonayay inay helaan qiimo dhan 300 milyan euro, haddiiba ay fasaxayaan 27 jirkan reer Brazil.

Gerard Pique ayaa la weydiiyay su’aal ku aadaneyd, qaabka ugu fudud uu Neymar Jr dib ugu soo laaban karo garoonka Camp Nou wuxuuna ku jawaabay:

“Ma aqaano, laakiin kubadda cagta wax walba waa macquul”.

“Waxa kaliya ee aan sameyn lahaa waa inaan sugo oo aan la socdo, isla markaana aan eego haddii heshiiska uu dhacayo iyo haddii kale” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Gerard Pique.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close