Muxuu Mauricio Pochettino ka yiri Jose Mourinho ka hor inta aan laga ceyrin Tottenham Hotspur?

(London) 20 Nof 2019. Macalinkii hore kooxda Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino ayaa ku tilmaamay  Jose Mourinho inuu yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu wanaagsan adduunka.

Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah u shaacisay in Jose Mourinho ay u magacawday macallinka cusub ee kooxda, kaddib markii ay shalay oo Arbca ah shaqada ka ceyriyeen macalinka reer Argantina ee Mauricio Pochettino.

Yeelkeeda, amaanta Mauricio Pochettino ee ku aadan dhigiisa reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa waxay timid kahor inta aan laga ceyrinin shaqada kooxda Tottenham Hotspur,.

Bilowgii xilli ciyaareedka, Jose Mourinho ayaa sheegay in Tottenham ay si aad ah kula tartami doonto hanashada horyaalka Premier League kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Mauricio Pochettino ayaa bishii August ee lasoo dhaafay wuxuu ka jawaab celiyay hadalka Jose Mourinho wuxuuna yiri:

“Waan jeclahay Jose Mourinho”.

“Waxaan wada ognahay inuu yahay nin xariif ah, mararka qaarna jees-jees badan, taasina waa sababta uu u yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka”.

“Waan ixtiraamayaa aragtidiisa waana ku faraxsanahay waxa uu ka yiri tartanka aan kula jirno kooxaha Liverpool iyo Man City ee ku aadan hanashada horyaalka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close