Xiddigii ugu caajiska badnaa uu la ciyaaray, laacibka ku guuleysan kara Ballon d’Or & dhowr arrimood uu ka hadlay John Obi Mikel

(Yurub) 18 Nof 2019. Laacibkii hore kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Nigeria ee John Obi Mikel ayaa ku tilmaamay saaxiibkiis hore Blues ee Eden Hazard inuu yahay xiddigii ugu caajiska badnaa uu la ciyaaray.

John Obi Mikel ayaa dhinaca kale u sharaxay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi inuu sanadkan ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or 2019.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi xiiso badan uu dhawaantan bixiyay John Obi Mikel waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for John Obi Mikel and Hazard

“Eden Hazard wuxuu leeyahay tayo aad u weyn, laakiin ma uusan gaarin heerka Messi, balse marka ay kubadda ku jirto lugahiisa, wuxuu sameynayaa waxa uu doono”.

“Hazard wuxuu ahaa ciyaariyahankii ugu caajiska badanaa oo aan waligay la ciyaaray”.

“Maalin aan ku gudi jirnay tababarka wuu istaagay, wuxuuna taagnaa ilaa iyo aan ka dhameyno, kaddib maalinta ku xigtay, wuxuu ahaa kan ugu fiicnaa ee ciyaarta, aad ayuu u wanaagsanaa”.

Intaas kaddib  John Obi Mikel ayaa wuxuu ka hadlay xiddiga uu arko inuu u qalmo ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or 2019 wuxuuna yiri:

“Sadio Mané wuu ku guuleysan karaa, laakiin Lionel Messi wali wuxuu ku jiraa heerka ugu sarreeya”.

Yeelkeede, John Obi Mikel ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Didier Drogba uu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda ee qaarada Afrika.

Si kastaba ha noqotee John Obi Mikel iyo Eden Hazard ayaa waxay si wada jir ah ugu soo ciyaareen kooxda Chelsea, kahor inta uusan Obi Mikel u dhaqaaqin horyaalka Shiinaha bishii Janaayo 2017.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close