“Waxaan jebin doonaa Rikoodh walba” – Cristiano Ronaldo

(Yurub) 18 Nof 2019. Weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ugu hanjabay qof walba inuu jabin doono rikoodh kasta.

Cristiano Ronaldo ayaa shalay dhaliyay goolkiisa 99-aad ee xulka qaranka Portugal kulankii ay la ciyaareen Luxembourg, ee ka tirsanaa kulamada isreeb-reebka koobka Euro 2020.

Ronaldo ayaa ciyaarta kaddib wuxuu la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Wey adagtahay in laga hadlo sida loo dhaliyo goolka 100-aad, xilli kasta waxaan sheegaa in goolasheyda ay ku yimaadaan si dabiici ah”.

“Rikoodh kasta ee aan ku jabiyay xulka qaranka iyo kooxihii aan u soo ciyaaray waa midaan ku faraxsanahay inaan gaaro”.

“Waxaan dooneynay inaan u soo baxno koobka Euro 2020 waana sameynay, hadda waxa jira xilli ciyaareed aad u dheer oo ay ka buuxaan tartamo badan”.

“Ma ahan inaan in badan ka fikirno waxa imaan doono, marka loo fiiriyo inaan nahay difaacada yaasha koobk Euro, haddana qeyb ka manihi musharaxiinta loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan tartanka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close