Kooxda Arsenal oo ka fiirsanaysa inay dalab 43 milyan oo gini ah ka gudbiso Torres

(London) 18 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay ka fiirsanayso inay dalab ku kacaya 43 milyan oo gini ka gudbiso ciyaaryahan Torres.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in Arsenal ay miisaamayso suurto-galnimada ay 43 milyan oo gini oo u dhiganta 55 milyan oo dollar bisha Janaayo kula soo wareegayso daafaca Naadiga Villarreal ee Pau Torres.

Kooxda Gunners lagu naanayso ayaa rajaynaysa inay 22-sano jirkaan uu xallin karo dhibaatada ka haysata dhankeeda daafaca, laakiin Manchester City ayaa sidoo kale isha ku heysa horumarka uu xiddigan ka sameynayo Garoonka El Madrigal.

Torres ayaa ka soo muuqday 13 kulan oo horyaalka La Liga ay ciyaartay kooxdiisa Villarreal xilli ciyaareedkan, waxaana uu u dhaliyey hal gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close