Eric Abidal oo xaqiijiyey Weeraryahanka ay xiiseynayso Barcelona, kaasoo bedel u noqonaya Luis Suarez

(Barcelona) 18 Nof 2019. Eric Abidal ayaa xaqiijiyey in kooxda Barcelona ay xiiseynayso Weeraryahan cusub kaasoo ay doonayso inay bedel kaga dhigto Luis Suarez.

Waxa uu Eric Abidal xaqiijiyey in Kooxda uu agaasimaha u yahay ee Barcelona ay xiiseynayso saxiixa Weeraryahanka Kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez, kaasoo ay u arkaan xiddiga ugu macquulsan ee bedeli kara booska Luis Suarez.

Suarez ayaa ku jira 18-kiisii bilood ee ugu dambeeyey heshiiskiisa haatan ee garoonka Camp Nou, waxaana 32-sano jirkaan aysan u badnayn in la siin doono fursad uu ku sii dheereysto joogitaankiisa.

Waxaa la soo jeediyay in xiddiga reer Uruguay uu ka tagi karo Barca sanadka soo socda, iyadoo saxiixa xagaaga ee Antoine Greizmann uu haatan riixayo doorka weerarka dhexe ee Macallin Ernesto Valverde.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close