Paris Saint-Germain oo Kooxda Manchester United kula tartamaysa saxiixa Jadon Sancho

(Paris) 17 Nof 2019. Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay saxiixa Jadon Sancho kula tartamayso naadiga Manchester United.

Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee Paris ayaa eegeysa inay da’yarkaan Ingiriiska ah bedel uga dhigto booska xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr.

Sida ay ku warammayso The Express Paris Saint-Germain ayaa rajaynaysa inay Kooxda Manchester United ku raaci doonto saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda haysata horyaalnimada Faransiiska ayaa u aragta Weeraryahanka Kooxda Borussia Dortmund inuu yahay badalka suuro-galka ah ee Neymar Jr, kaasoo mustaqbalkiisa mudada dheer ee garoonka Parc des Princes shaki la gelinayo.

Xiddiga xulka qaranka England ee Sancho ayaa diyaar u ah inuu ka tago Dortmund kaddib markii la cayriyay goortii uu ka soo daahay tababarka kooxda isagoo ka soo laabtay waajibaadka xulkiisa qaranka bishii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close