Kooxda Bayern Munich oo la soo wareegeysa bedelka Goolhayaheeda Manuel Neuer

(Munich) 17 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa la soo sheegayaa inay la soo wareegayso goolhaye ay bedel uga dhigato shabaq ilaaliyaheeda haatan ee Manuel Neuer.

Sida ay warinayso Sport1 Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa tixgelinaysa inay u dhaqaaqdo Goolhayaha Schalke ee Alexander Nubel si ay uga dhigtaan bedelka Manuel Neuer.

23-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan welina go’aan kama uusan gaarin inuu heshiis cusub qallinka ku duugi doono iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee, Neuer ayaa sidoo kale doonaya inuu kordhiyo qandaraaskiisa haatan socda oo dhacaya sanadka 2021-ka, taasoo la micno ah in Bayern Munich ay go’aansatay inay go’aan ka gaarto goolhayahooda lambarka 1-aad dhammaadka xilli ciyaareedka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close