Kooxda Liverpool oo iyadoo ay ka maqan yihiin Afar ciyaaryahan wajahaysa Crystal Palace

(Liverpool) 16 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iyadoo aan haysan afar ka mid ah xiddigaheeda waxa ay wajahaysaa naadiga Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka maqnaan doonaan Mohamed Salah, Jordan Henderson, Joe Gomez iyo Andrew Robertson kulanka ay la ciyaarayaan Naadiga Crystal Palace dhammaadka bishaan ee horyaalka Premier League.

Salah ayaa dhowr isbuuc ka cabanayey dhaawac canqowga ah, waxaana dhaawacaas dib ugu celiyey oo jug gaarsiiyey Fernandinho intii lagu guda jiray kulankii ay Liverpool 3-1 uga adkaatay Manchester City.

Robertson ayaa sidoo kale ka maqnaa kulammada caalami ah ee Waddankiisa bishaan kaddib markii uu shaaca ka qaaday in dhaawac canqowga uu ka hor istaagay inuu tababarka qaato labo isbuuc ka hor kulanka ay wajahayeen Kooxda Tababare Pep Guardiola.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror dhaawacyada Henderson iyo Gomez ayaa la micno ah in Liverpool ay haatan ka walwalayso taam ahaanshaha afar ciyaartoy oo muhiim ah ka hor kulanka ka dhacaya garoonka Selhurst Park.

Henderson ayaa laga saaray kulanka xulkiisa qaranka England uu la ciyaari doono Kosovo sababo la xiriir virus, halka Gomez isagana uu dhaawac ku soo gaaray tababarka xulka saddexda libaax kaddib markii uu jilaafay Kieran Trippier, sidaas awgeed isgana waa laga reebay kulanka soo aaddan ee uu xulkiisu ciyaarayo.

Joel Matip iyo Xherdan Shaqiri ayaa ah labada ciyaaryahan kale ee ka dhaawacan kooxda Macallin Jurgen Klopp, iyadoo midkoodna aan la filaynin inuu soo laabto dhammaadka bisha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close