Juventus oo weydiisatay Cristiano Ronaldo inay la soo saxiixdaan Paul Pogba & Jawaabtii uu siiyey oo la ogaaday

(Turin) 16 Nof 2019. Maamulka kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo sheegayaa inay kala tashadeen oo ay wax ka weydiiyeen Cristiano Ronaldo inay la soo saxiixdaan Paul Pogba, iyadoo jawaabtii uu bixiyey CR7 shaaca laga qaaday.

Sida wararku ay sheegayaan kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa maamulka kooxdiisa Juventus ogolaansho u siiyey inay la soo saxiixdaan markale ciyaaryahanka Man United ee Paul Pogba.

Pogba ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu dib ugu laaban doono Kooxdiisii hore ee Juventus, iyadoo la warinayao inuu qorsheynayo inuu xagaaga soo socda isaga tago Naadiga Manchester United.

Laacibkan khadka dhexe ayaa ku guuldarreystay isku day uu ku doonayey inuu uga tago Man United suuqii xagaaga, waxaana uu xiiso waali ah ka helayay kooxda Juventus iyo naadiga ka dhisan Spain ee Real Madrid.

Warsidaha la yiraahdo El Desmarque ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Juventus ay ka baaraandageyso suurta-galnimada ay dib ugula soo saxiixanayaan Pogba, kaasoo kooxda ka tagay kuna biiray Man United suuqii xagaaga ee 2016-kii kuwaasoo ay ku qaatay adduun dhan 89 milyan oo gini.

Pogba wuxuu ku dhibtooday inuu ku noolaado cadaadiska maadaama qiimahaas faraha badan ay ku qaadatay Man United, waxaana uu sheegay in xagaagii uu doonayay tartan cusub.

Kooxda Juventus ayaa hubisay haatan in xiddiggeeda Ronaldo uu doonayo u dhaqaaqista Pogba, isla markaana xiddiga reer Portugal ayaa la sheegayaa inuu ku faraxsan yahay in kooxdu ay la soo saxiixato xiddiga reer France.

Pogba ayaa haatan dhaawac uga maqan garoommada, waxaana uu kaliya u ciyaaray Kooxdiisa Man United shan kulan xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhibaato dhaawac oo uu ka qabo Canqowga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close