Pele oo tartan adag la galay Cristiano Ronaldo, kaddib saddexleydii uu xalay u dhaliyay xulkiisa qaranka Portugal

(Yurub) 15 Nof 2019. Halyeeyga reer Brazil  ee Pele ayaa tartan adag la galay kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronald, kaasoo ah inuu dhaafo rikoodhkiisa gooldhalineed ee gaarsiian 1,283 gool.

Xulka qaranka Porugal ayaa tallaabo u qaaday oo ku sii dhowaanaya inuu u soo baxo Euro 2020 , kaddib markii uu Cristiano Ronaldo xalay dunida ka yaabsaday oo uu saddexleey saxiixay.

Haddaba Pele ayaa wareysi uu ku bixiyay wakaaladda wararka ee Spain wuuu ku sheegay:

“Cristiano Ronaldo wuxuu leeyahay goolal tiro badan, waxaan rajeynayaa inuu caafimaad qabo isla markaana uu xoogan yahay, si uu u gaaro 1,283 gool ee aan dhaliyay, markaas waan sugi doonaa”.

Haddaba saddexledii uu xalay Ronaldo u dhaliyay xulkiisa qaranka Portugal ayaa ka dhigay in xirfadiisa kubadda cagta uu dhaliyay (705 gool), iyadoo uu wakiilkiisa Jorge Mendes uu sheegay in Cristiano uu dhaafi doono rigoodhka gool dhalinta ee halyeeyga reer Brazil Pele.

Haddaba Pele oo ka jawaab celinayay hadalkan ayaa wuxuu yiri:

“Wax walwal ah kama qabo, waxaan rajeynayaa inuu sii wadi doono dhalinta goolal badan, balse kaliya waa inuu gaaraa 1,000 gool”.

“Si dhab ah ayaan u hadlayaa hadda, waxaanan rajaynayaa inuu nasiib u yeelan doono, sababtoo ah, tirada goolashiisa aad ayey u wanaagsan yihiin, iyo inuu caafimaad qabo isla markaana uu xoogn yahay si uu gaaro 1,283 gool ee aan gaaray intii aan ku jiray xirfadayda”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close