Zlatan Ibrahimovic oo xaqiijiyey inuu isaga tagayo bisha soo socota Kooxda LA Galaxy, xilli uu sii wado hadalladiisii Layaabka lahaa

(Los Angels) 14 Nof 2019. Xiddiga bartilmaameedka u ah horyaalka Serie A ee Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagi doono kooxdiisa LA Galaxy bisha soo socoto waxaana uu yiri: “Hadda waxaan dib ugu laabanayaa daawashada baseball…”

Ibrahimovic ayaa heshiiskiisa waxa uu ku eg yahay dhammaadka bisha December, waxaana uu xaqiijiyey inuu ka dhaqaaqi doono LA Galaxy isagoo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka.

“Waan imid, waan arkay, waana xukumay” ayuu 38-sano jirkaan soo qoray taasoo uu ula jeedo inuu wax walba ku sameeyay kuna guuleystay wakhtigiisa horyaalka Major League Soccer (MLS).

“Waan idiin mahad celinayaa LA Galaxy, maadaama aad ii suuro-galiseen inaan nolol dareemo markale, Taageerayaasha Galaxy waxaad doonayseen Zlatan, waan idin siiyey Zlatan.

“Waad soo dhoweyseen, Sheekada wey socon doontaa…. Hadda waxaan dib ugu laabanayaa inaan daawado baseball.”

FG: Baseball ayaa ah ciyaaraha ay ku wanaagsan yahiin dadyowga dalka Mareykanka.

Xiddigan reer Sweden ayaa abaal-marin kasta oo suuro-gal ah kula guuleystay kooxda MLS-ka ka dhisan, waxaana uu u dhaliyey 53 gool 58 kulan oo uu u saftay.

Ibra waxaa si xoog leh loola xiriirinayaa inuu dib ugu soo laaban doono dalka Talyaaniga, waxaana wada doonaya kooxaha Milan, Napoli iyo Bologna.

Sidoo kale waxaa suuro-gal ah inuu Ibrahimovic dib ugu soo laabto Manchester United oo ahayd kooxdii ugu dambeysay ee Yurub ka dhisan oo uu u ciyaaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close