Xiddiga Kooxaha badan ay baadi goobayaan ee Jadon Sancho oo ka tagi kara Borussia Dortmund

(Munich) 14 Nof 2019. Sida wararku ay sheegayaa xiddiga xulka qaranka England ee kooxaha badan ay baadi goobayaan, Jadon Sancho ayaa isaga tagi kara Borussia Dortmund.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaysa in Jadon Sancho uu ka tagi karo Kooxda Borussia Dortmund si uu u raadiyo meel uu ka bilaabo tartan cusub.

19-sano jirkaan ayaa la la xiririinayey inuu dib ugu soo laaban doono dalka England kaddib markii uu u soo ciyaaray kooxaha Watford iyo Manchester City ka hor inta uusan ku biirin kooxda ka dheesha horyaalka Bundesliga.

Qiimihiisa ayaa si aad ah sare ugu kacay tan iyo waqtigaas, waxaana haatan doonaya qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka oo ay ku jiraan Liverpool iyo Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close