Vincent Kompany oo shaaca ka qaaday xiddig uu u arko inuu u qalmo ku guuleysiga Ballon d’Or

(Yurub) 14 Nof 2019. Kabtankii hore ee kooxda Manchester City Vincent Kompany ayaa shaaca ka qaaday xiddiga uu u arko inuu u qalmo ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or.

Vincent Kompany ayaa taageero weyn u muujiyay saaxiibkiis hore kooxda Manchester City ee Bernardo Silva si uu ugu guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ee ah ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Wargeyka “A Bola” ee dalka Portugal ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Vincent Kompany waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u maleynayaa in qof walba uu u arko Bernardo Silva inuu yahay xiddig magac sare leh, wali waa dhalinyaro, waxaana u maleynayaa inuu xirfad gaar ah ku leeyahay Man City”.

“Waa nin farshaxaniiste ah, awoodiisa wanaagsan iyo shaqsiyaddiisa ayaa waxay ka dhigtay inuu ku raaxeysto gudaha garoonka, isagu waa sida cannug oo kale, wuxuu u ciyaaraa kubadda in ka badan shasi walba ee aan aqaano, xitaa wuxuu ku ciyaaraa qolka dhar badelashada”.

“Miyuu ku guuleysan karaa abaal-marinta Ballon d’Or? Shaki la’aan, wuxuu ku guuleysan karaa abaal-marin kasta”.

“Waa shaqsi aan kibir badneyn, sidaa darteedna wuxuu lumiyay boosaska qaar si uu u noqdo musharax ku guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close