Messi, Ronaldo, Neymar: Pele oo doortay xiddiga uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro

(Yurub) 14 Nof 2019. Halyeeyga reer Brazil ee Pele ayaa wuxuu ka hadlay ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro.

Pele ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro xiddiga reer Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Halyeeyga reer Brazil ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu sheegay:

El exxjugador brasileño, Pelé.

“Waxaan la ildaran nahay cudurro qaarkood, laakiin waxaan dareemayaa inaan hadda ku jiro xaalad wanaagsan, waxaa ii muuqaneysa in la gaaray waqtigii aan bixi lahaa”.

Halyeeyga reer Brazil ee Pele ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay:

“Waxaan taageere weyn u ahay xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo, waa laacib weyn wuxuuna u qalmaa meesha uu gaaray”.

“Laakiin haddii aan dooran lahaa mid ka mid ah xiddigaha haatan si aan kaga garab ciyaaro midkood, waxaan dooran lahaa Lionel Messi”.

Ugu dambeyntii halyeeyga reer Brazil ee Pele ayaa wuxuu ka hadlay daaficii ugu adkaa uu ka hor tagay xirfadiisa kubadda cagta wuxuuna ku shegay inuu ahaa xiddiga reer Talyaani ee Giovanni Trapattoni.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close