Lucas Torreira oo weydiistay Kooxdiisa Arsenal inay dhageysato dalabyada u imaanaya

(London) 14 Nof 2019. Laacibka khadka dhexe ee Lucas Torreira ayaa la sheegay inuu muujiyay inuu doonayo inuu ka tago Arsenal inta lagu guda jiro mid ka mid ah suuqyada kala iibsiga ee soo aaddan.

Ka hor bilowgii xilli ciyaareedkiisa labaad, Torreira wuxuu qiray inuu ku dhibtooday inuu la qabsado nolosha England tan iyo markii uu kaga soo wareegay Kooxda Sampdoria.

23-sano jirkaan ayaa saftay 15 kulan tartamada oo dhan tan iyo bilowgii bishii Agoosto, in kasta oo intiisa badan kulamadiisii ugu dambeeyey uu keydka ugu jiray Granit Xhaka.

Sida uu warinayso Warsidaha Calciomercato xiddiga xulka qaranka Uruguay ayaa diyaar u ah inuu isaga tago garoonka Emirates, iyadoo ay suuro-gal tahay inuu ku laabto Talyaaniga.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Torreira uu doonayo in Gunners ay ka fiirsato dalab kasta oo uga yimaada Kooxda AC Milan, kuwaasoo muddo dheer xiiseynayay saxiixiisa.

Ciyaaryahankan ayaa weli haysta heshiis saddex sano iyo bar ah oo kaga harsan qandaraaskiisa kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close