DEG-DEG: Thierry Henry oo loo magacaabay macalinka koox cusub

(Yurub) 14 Nof 2019. Halyeeyga reer France ee Thierry Henry ayaa shaaca laga qaaday in loo magacaabay hoggaamiyaha koox cusub.

Kooxda ka dheesha horyaalka MLS dalka Mareykanka ee Impact Montreal ayaa maanta si lama filaan ah ugu dhawaaqday magacaabista Thierry Henry, kaasoo noqonaya tababarahooda cusub.

Macalinkii hore ee AS Monaco ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay kooxda reer France bishii Janaayo ee sanadkan.

Thierry Henry ayaa u saxiixay kooxda reer Canada heshiis labo sano ah, isagoo dooq u heysta inuu balaariyo heshiiskiisa oo uu gaarsiiyo ilaa iyo 2022.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ayaa kaddib markii uu saxiixay heshiiskan cusub wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Sharaf ayey ii tahay inaan noqdo tababaraha kooxda Impact Montreal oo aan dib ugu soo laabto horyaalka MLS-ka”.

“Kani waa horyaal aan si fiican u aqaano, halkan waxaa igu soo maray waqtiyo wanaagsan”.

“Inaan ku sii jeedo Québec, Montréal, oo leh dhaxal aad u weyn iyo dhaqamo kala duwan, waa wax aan caadi aheyn, waxaan waligey indhaha ku hayey kooxdan iminkana waan joogaa!”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close