Cristiano Ronaldo oo xaallada ku xumeeyay kooxda Juventus

(Turin) 14 Nof 2019. Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xaallada ku xumeeyay kooxda Juventus uu hogaamiyo tababare Maurizio Sarri, kaddib markii uu si cad u xaqiijiyay inuusan qabin wax dhaawac ah.

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa xilli ay Juventus ku adkeysaneyso in Cristiano Ronaldo uu qabo dhaawac dhanka Jilibka ah, kaddib markii uu tababare Maurizio Sarri badel ku saaray labo kulan xiriir ah.

Cristiano Ronaldo ma uusan soo dhaweynin go’aanka tababare Maurizio Sarri ee ahaa inuu badelo kulankii AC Milan, wuxuuna u muuqday inuu si weyn kaga xanaaqay.

Haddaba Cristiano Ronaldo oo maanta oo Khamiis ah ka soo muuqday shir Jaraa’id wuxuu si cad u sheegay inuusan qabin wax dhaawac ah, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Si aan u furno faylka wararka, waxaan idin siin karnaa wax cusub, hoggaamiyaha waa uu fiican yahay, wuxuu ku jiraa xaallad wanaagsan”.

“Ma dhihi karo kaliya waan fiicanahay, ee waxaan u fiicanahay heer aan ciyaari karo kullamada, wax walba aad ayey u wanaagsan yihiin, hadda waa inaad la hadashaan dadka kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close