RASMI: Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa bishii October Kooxda Bayern Munich oo la shaaciyey… (Ma Lewandowski mise Gnabry?)

(Munich) 13 Nof 2019. Waxaa la shaaciyey ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa Kooxda Bayern Munich bishii la soo dhaafay ee October.

Robert Lewandowski ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii bisha October kaddib bilihii August & September oo uu ku guuleystay abaal-marintan.

Kaddib markii uu abaal-marintan hantay bilihii August iyo September, waxaa markale Robert Lewandowski loo magacaabay abaal-marinta xiddiga bisha October ee kooxda Bayern Munich.

Weeraryahankan ayaa helay 75.6% codadkii la dhiibtay waxaana uu kaalinta koowaad kaga soo baxay tartanka ay kula jireen qaar ka mid ah xiddigaha kooxda Munich.

Waxa uu abaal-marintan ku garaacay Serge Gnabry oo kaalinta labaad ka soo galay codeyntan kaasoo helay 9.8% codadkii la dhiibtay iyo Goolhaye Manuel Neuer oo isna booska saddexaad ka soo muuqday isagoo helay 6.1% codadkii la dhiibtay.

Ma’ahayn wax la yaab leh in 31-sano jirkaan uu ku guuleysto abaal-marintan saddex bilood oo xiriir ah, waxaana xiddigan reer Poland uu shabaqa soo taabtay todobo jeer lix kulan oo uu ka soo muuqday tartan rasmi ah bishii October.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close