RASMI: Riccardo Montolivo oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaarista kubadda cagta, xilli uu eedeyn u jeediyey Milan

(Milan) 13 Nof 2019. Riccardo Montolivo ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaarista kubadda cagta, isagoo kooxda AC Milan ku eedeeyey go’aankiisa.

Montolivo ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Milan xagaagii, waxa uu eedeyey Milan, inkastoo uu sheegay in Jaceyl kubadda cagta ay ku rideen isaga.

“Waxaan joojin doonaa hadda inaan ciyaaro,” ayuu laacibkii hore khadka dhexe ee Talyaanigu u sheegay Corriere dello Sport.

“Waxaan sii wadi doonaan inaan Milan kula noolaado qoyskeyga, waxa aan hadda sameyn doonana ma aqaan, waa inaan hadda ka fikiraa

“Waxaan dhihi karaa Milan ayaa igu qasabtay inaan joojiyo ciyaaraha, xitaa ma helin fursad aan ku dhaho macsalaamo taageerayaasha toddobo sano kaddib.”

34-sano jirkaan ayaa 348 kulan oo Serie A saftay, isla markaana 25 gool u dhaliyey kooxaha Atalanta, Fiorentina iyo the Diavolo.

Waxa uu 66 kulan u ciyaaray xulkiisa Talyaaniga, isagoo ka caawiyey inay gaaraan Final-kii Euro 2012-kii, laakiin waxa uu ku guuldarreystay inuu halmar ka soo muuqdo garoonka San Siro xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close