Jadon Sancho oo shaaca ka qaaday xiddigaha uu ugu jeclaa kubadda cagta markii uu yaraa

(Borussia) 13 Nof 2019. Laacibka qadka dhexe iyo kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha uu aadka u jecelaa markii uu yaraa, waxaana ka mid ah halyeeyga reer Brazil iyo naadiga Barcelona Ronaldinho.

Jadon Sancho ayaa ka mid ah xiddigaha da’ayarta ah kubadda cagta kuwooda ugu muhiimsan ee xilligan, iyadoo ay jiraan kooxo dhowr ah ee xiiseenaya iney helaan adeegiisa, dabcan waxaa ka mid ah Manchester United, Manchester City, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Jadon Sancho waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for Jadon Sancho, Ronaldinho, Lampard and Didier Drogba

“Ronaldinho wuxuu ahaa shaqsigii ugu weynaa ee aan caadeystay inaan ka daawado YouTube-ka”.

“Laakiin sidoo kale waxaan jeclaa Frank Lampard iyo Didier Drogba markii ay u ciyaarayeen Chelsea, waxay ahaayeen seddexda ciyaaryahan ee aan indhaha ku hayey”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close