Pierre-Emerick Aubameyang oo hakad gelinaya heshiis kordhintiisa Kooxda Arsenal… (Sidee ayey wax u jiraan?)

(London) 12 Nof 2019. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la soo warinayaa inuu hakad gelinayo heshiis kordhintiisa cusub ee kooxdiisa Arsenal.

Jariiradda Daily Star ayaa warinaysa in Pierre-Emerick Aubameyang uu hakad gelinayo ama uu dib u dhigayo heshiis kordhintiisa cusub ee kooxda Arsenal.

Xiddiga xulka qaranka Gabon ayaa dhowaan kabtan looga dhigay Kooxda Gunners, laakiin waxaa la wariyey in arrintaasi ay kala qeybsanaan ka dhex abuurtay qolka labiska Arsenal oo xiddigaha kooxda ay ku kala qeybsameen arrintaas maadaama aan laga talo-gelin in kabtanka kooxda laga dhigayo isaga.

Si kastaba ha ahaatee, Weeraryahankan kooxda Arsenal ayaan ku deg degi doonin inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa Gunners, waxaana uu sugi doonaa haddii kooxda ay xaqiijin karto u soo bixitaankeeda tartanka Champions League ka hor inta uusan mustaqbalkiisa u hibeynin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close