Liverpool oo dharbaaxo xooggan la kulantay, kaddib markii uu dhaawac soo gaaray xiddig muhiim u ah

(Liverpool) 12 Nof 2019. Kooxda Liverpool ee uu hoggaaminayo macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayuu u soo yeeray war aan fiicnayn, kaddib markii uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan.

Xulka qaranka Scotland ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Kabtankooda ahna daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson laga saaray liiska xiddigaha xulka ee ka qeyb galaya kulammada bishan November ee isreeb-reebka koobka qarammada Yurub ee Euro 2020.

Warkan ayaa ku yimid si kadis oo lama filaan ah iyadoo Andrew Robertson uu si wanaagsan kaga soo muuqday 90-ka daqiiqo kulankii Manchester City ay guusha 3-0 ka gaareen ee horyaalka Premier League.

Sida ay shaacisay warbaahinta gudaha England, Andy Robertson ayaa xoogaa dhaawac ah uu ka soo gaaray lugta bidix, kaddib kulankii ay wada ciyaareen kooxaha Liverpool iyo Man City fiidnimadii Axadda ee la soo dhaafay.

Wargeyska “Liverpool Echo” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Andrew Robertson uu dhaawac ka soo gaaray dhanka canqowga lugta bidix, waxaana laga yaabaa inuu maqnaado in muddo ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close