Kooxda Real Madrid oo ka fiirsanaysa inay soo qaadato Weeraryahanka Man United ee Marcus Rashford

(Madrid) 12 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay ka fiirsanayso inay u dhaqaaqdo soo qaadashada Weeraryahan Marcus Rashford.

Warsidaha Don Balon ayaa warinaya in Real Madrid ay haatan ka fiirsanayso inay u dhaqaaqdo soo xero gelinta Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Marcus Rashford.

Macallika Los Blancos ee Zinedine Zidane ayay ka go’an tahay inuu keeno kooxdiisa weeraryahan cusub oo uu ku xoojiyo safkiisa sanadka soo socda, iyadoo xiddiga reer England ee Rashford uu ka mid yahay kuwa loo tixgelinayo u dhaqaaqista garoonka Santiago Bernabeu.

Rashford ayaa dhaliyey lix gool 12 kulan oo uu horyaalka Premier League u ciyaaray kooxdiisa Manchester United kal ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close