İlkay Gündoğan oo doortay xiddiga uu arko inuu yahay kan ugu fiican Taariikhda…(Ma Lionel Messi mise Cristiano Ronaldo?)

(Manchester) 12 Nof 2019. Laacibka khadka dhexe kooxda Manchester City ee İlkay Gündoğan ayaan ka labalabeynin inuu amaano shaqsiyada Lionel Messi.

Dhinaca kale İlkay Gündoğan ayaa wuxuu u arkaa in Lionel Messi uu yahay kan ugu fiican waqti kasta, isla markaana uusan aheyn jiilka haatan jira oo kaliya.

Inkastoo ugu yaraan mudo 10 sano ah uu jiray murun ku saabsan kan fiican xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, hadana xiddigii hore kooxda Borussia Dortmund ayaan ka labalabeynin in Messi uu ku tilmaamo inuu yahay kan ugu fiican.

Xiddiga xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa u dhaliyay kooxdiisa Barcelona ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan 9 gool, 11 kulan rasmi ah uu u cyaaray.

Haddaba wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay İlkay Gündoğan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for Lionel Messi, Ronaldo and İlkay Gündoğan

“Wuxuu xilli kasta awood u leeyahay inuu muujiyo wax walba uu heysto, Messi wuxuu leeyahay karti aad u sareysa iyo awoodo aan caadi aheyn”.

“Lionel Messi wuxuu qof walba kaga sareeyaa go’aamada fiican uu xilli kasta qaato”.

Intaas kaddib İlkay Gündoğan ayaa u rajeeyay Lionel Messi oo haatan 32 jir ah inuu muddo dheer ku sii dhex jiro garoomada wuxuuna yiri:

“Taageerayaasha kubadda cagta waxay doonayaan inay daawadaan isagoo ciyaaraya sanado kale ee badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close