Granit Xhaka oo bisha Janaayo ka tagaya Kooxdiisa Arsenal… (Halkee ayuu haatan Guri ka raadsanayaa?)

(London) 12 Nof 2019. Granit Xhaka ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu isaga tago bisha Janaayo kooxdiisa Arsenal.

Xhaka waxa uu ku dhow yahay inuu isaga dhaqaaqo Gunners, isla markaana uu suuqa kala iibsiga marka dib loo furo bisha Janaayo u wareego dhanka dalka Talyaaniga.

Warsidaha RSI Sport ayaa warinaya in xiddiga khadka dhexe ee Arsenal, Granit Xhaka uu bisha Janaayo marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha ku biiri doono naadiga AC Milan.

Xiddiga xulka qaranka Swiss-ka oo 27-sano jir ah ayaa la sheegayaa inuu haatanba bilaabay inuu Guri ka raadsado dalka Talyaaniga, kaddib markii laga xayuubiyay Kabtannimada garoonka Emirates.

Xhaka ayaan u ciyaarin Arsenal tan iyo markii uu aflagaado u geystay taageerayaasha kooxdiisa markii la bedelay kulankii ay barbaro 2-2 la galeen Crystal Palace 27-ka bishii October.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close