Ramos oo WACAD ku maray inay dagaalami doonaan kaddib marka la sameeyay isku aadka koobka Spanish Super Cup

(Madrid) 11 Nof 2019. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday in Los Blancos ay uu ku guuleysan doonto koobka Spanish Super Cup ee lagu qaban doono Saudi Arabia bisha Janaayo ee soo aadan.

Xiriirka kubadda cagta ee dalka Spain ayaa si rasmi ah u shaaciyay isku aadka tartanka Spanish Super Cupka, kaasoo ay ku dagaalami doonaan afarta kooxood ee kala ah Real Madrid, Valencia, Barcelona iyo Atletico Madrid.

Valencia Iyo Real Madrid – January 8.

Barcelona  Iyo Atletico Madrid – January 9.

Haddaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Sergio Ramos kaddib marka la sameeyay isku aadka koobka Spanish Super Cup waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u dagaalami doonaa inaan ku guuleysano koobka Spanish Super Cupka, waxaana ku dadaali doonaa inaan bixino wixii aan awoodno, isla markaana aan ku tiirsanaano in Real Madrid ay awood u leedahay inay ka ciyaari karto tartamada noocan oo kale ah”.

“Ma aqaano sida ay xaallada kooxda noqon doonto kaddib fasaxa ciida Christmas-ka oo gaaban, iyo sidoo kale qaabka ay kooxda naga soo horjeedo ku imaan doonto kulankan, laakiin waxaan u dagaalami doonaa sidii aan ugu guuleysan laheyn koobka”.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close