“Messi wuxuu sii joogayaa Barcelona shanta xilli ciyaareed ee soo socota” – Madaxweynaha Barcelona

(Barcelona) 11 Nof 2019. Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in Lionel Messi uu la sii joogi doono Blaugrana ilaa iyo inta laga gaarayo xilliga uu ka fariisanayo kubadda cagta, isagoo xusay in xitaa daqiiqad uusan wax shaki ah ka galin arrintaan.

Heshiiska uu Lionel Messi ku joogo garoonka Camp Nou ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2021, Blaugrana ayaa isku dayaysa inay ku cusbooneysiiso qandaraaskiisa sida ugu dhaqsaha badan.

Shabakada “Sky Sports” ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Heshiis kordhinta Messi? xaqiiqdii tani waa rabitaanka dhammaan dhinacyada halkan jooga, haddii Messi uu rajeynayo isla markaana uu doonayo inuu qandaraaska muddo fog u kordhiyo Barcelona”.

“Ugudambeyntii go’aan qaadashada isaga ayaa leh, kaligiis ayaa xaq u leh inuu go’aansado goorta uu doonayo inuu joojiyo ciyaarista kubadda cagta”.

Image result for Josep Maria Bartomeu and messi

“Laakiin sida uu sheegay toddobaadyo ka hor, wuxuu doonayaa inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku gabagabeeyo Barcelona”.

“Labada ama seddex xilli ciyaareed kale ee soo socda, hogaamiyaheena waxaa sii ahaan doono Lionel Messi, Isaga wali waa dhalinyaro, xoogan isla markaana hami leh”.

“Sidaas dareteen Messi wuxuu nala sii ciyaari doonaa labo, seddex, afar ama shan sano kale, taasi wax shaki ah kama qabo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close