“Weligay ma luminin kalsoonidii aan ku qabay Real Madrid” – Zinedine Zidane

(Madrid) 10 Nof 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guushii ay xalay kaga gaareen naadiga Eibar horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Real Madrid ayaa guul raaxo leh ka soo heshay kooxda Eibar oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa u arka in guuldaradii 1-0 aheyd ee ka soo gaartay kooxda Mallorca ay sabab u noqotay in Real Madrid ay isbadel sameyso, maadaama ay bilaabeen inay si adag u shaqeeyaan, isla markaana ay saxaan qaladaadkii ay sameeyeen bilawga xilli ciyaareedka.

Haddaba maclinka reer France ayaa kaddib guushii ay xalay ka gaareen kooxda Eibar wuxuu ka soo muuqday shir Ja’aaid wuxuuna yiri:

“Wax badan isma bedelin, kaddib guuldaradii Mallorca, waxaan aaminay inaan u baahan nahay inaan si adag u shaqeyno”.

“Waxaan mar walba aaminsanahay awoodaheena, haatan waxaan heysanaa shan kulan xiriir ah oo aan shabaqeena ilaashanay, anagu dhankeena aan goolal dhalinay”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay waxaan sameynay qeybtii hore ee kulankii xalay, taasoo aheyd mid aad iyo aad u wanaagsan, waxaan sidoo kale ku faraxsanahay guusha cusub”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close