N’Golo Kanté oo si cad kaga hadlay mustaqbalkiisa Chelsea… (Miyuu doonayaa inuu ka tago kooxda?)

(London) 10 Nof 2019. Xiddiga khadka dhexe kooxda Chelsea ee N’Golo Kanté ayaa si cad kaga hadlay mustaqbalkiisa garoonka Stamford Bridge.

N’Golo Kanté ayaa xaqiijiyay inuu ku sii negayo galbeedka magaalada London ilaa uu ka fariisanayo ciyaarista kubadda cagta.

N’Golo Kanté ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa garoonka Stamford Bridge wuxuuna yiri:

“Dabcan waxaan ku dhammeysan doonaa mustaqbalkeyga Chelsea, maanta waxaan qandaraas kula jiraa kooxda, kaasoo gaaraya ilaa iyo dhamaadka 2023”.

“Waxa maskaxdeyda ka guuxaya ayaa ah inaan sii joogo Chelsea oo aan xilli ciyaareedyo fiican ku bixiyo kooxda illaa iyo 2023, taasi runtii waa waxa aan rajeynayo”.

Intaas kaddib waxaa la weydiiyay N’Golo Kanté hadii uu u arko naftiisa inuu ka ciyaari karo horyaal kale wuxuu ku jawaabay:

“Maya, Xaqiiqdii maya”.

Haddii uu ka qoomameynayo go’aankii uu kaga soo dhaqaaqay Leicester City ayaa sidoo kale ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyay N’Golo Kanté wuxuuna ku jawaabay:

“Dabcan kama qoomameynayo”.

“Markii aan imid Chelsea, waxaan ku soo guuleystay koobkeeygii ugu horreeyay ee heer kooxeed, waxaana la qaaday Leicester City”.

“Maanta waxaan ku suganahay Chelsea, waxaan ku qaatay saddex sano cajiib ah, waxaana kula guuleystay dhowr koob”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close