Jose Mourinho oo sheegay kooxda ku guuleysaneysa Premier League… (Ma Liverpool mise Man City?)

(England) 10 Nof 2019. Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ka warbixiyay kooxda xilli ciyaareedkan ku guuleysan karta horyaalka Premier League.

Jose Mourinho ayaa aaminsan in Liverpool loo caleemo saari doono hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, hadii ay garaacaan Manchester City, kulanka haatna ka socda garoonka Anfeld.

Mourinho oo ku gudi jiray falaqeynta ciyaarta haatan socota ee Liverpool iyo Man City ayaa sheegay:

“Hadii Liverpool ay badiso kulanka caawa, waxaan qabaa inay ku guuleysan doonaan horyaalka Premier League”.

“Waxaan u maleynayaa in Jurgen Klopp uusan dhihi karin taas, laakiin waxaan dhihi karaa taas”.

“Inaad ku qabato hogaanka 9 dhibcood, ayaa la macno ah inaad ku guuleysan doonto horyaalka, waxaan sidoo kale u maleynayaa in barbardhac ay natiijo fiican u noqon doonto Man City, isla markaana ay u noqon doonto natiijo xun Liverpool”.

“Liverpool waa inay ka faa’iideysataa jilicsanaanta Manchester City ee xilligan, inaad guul ku gaarto garoonkaaga ayaa ah natiijada kaliya ee ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close