Saddexda Tababare ee la la xiriirinayo Kooxda Barcelona kuwaasoo badal u noqon kara Macallin Valverde oo la shaaciyey

(Yurub) 09 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo sheegayaa inay saddex Tababare midkood ka dhiganayso badalka ugu macquulsan ee macallinkeeda Valverde.

Cadaadis xoog leh ayaa saaran macallinka kooxda Catalan ee Valverde, waxaana hadda kooxda reer Spain ee Barcelona ay suuqa ka baadi goobaysaa Tababarihii badali lahaa hoggaamiyaheeda haatan.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore ayaa isku diyaarinaysa inay iska badasho tababaraheeda Ernesto Valverde sida laga soo xigtay Idaacadda Spanish-ka ah ee El Transistor.

Tababaraha River Plate ee Marcelo Gallardo, Ronald Koeman iyo Erik ten Hag ayaa ah saddexda magac ee la tixgalinayo inay qaban doonaan shaqada garoonka Camp Nou, laakiin Barcelona kuma deg degi doonto go’aankii ay ku ceyrin lahayd Tababare Valverde.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close