Horudhac: Kooxaha Eibar vs Real Madrid… (Los Blancos oo eegeysa guusheedii saddexaad La Liga ee bannaanka kal ciyaareedkan)

(Eibar) 09 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u safri doonta garoonka Estadio Ipurua maanta oo Sabti ah si ay halkaas ugu wajahdo naadiga Eibar, macallin Zinedine Zidane kooxdiisa ayaana raadinaysa guusheedii saddexaad oo ay bannaanka ku soo gaaraan kulammada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa kulankeedii ugu dambeeyey ee horyaalka La Liga waxa ay barbaro goolal la’aan ah la gashay Real Betis, inkastoo kulankii ka dambeeyey ee Champions League ay nus darsan goolal ah 6-0 ku xaaqeen Naadiga Galatasaray.

Dhinaca kale Kooxda Los Armeros lagu naanayso ayaa guuleysatay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay oo ay ku jiraan guulihii ay ka gaareen Sevilla iyo Villarreal.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga Santander

Taariikhda: Sabti, 09 Nof 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 8:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Adrian Cordero Vega (Spain)

Garoonka: Ipurua Municipal Stadium

Wararka Kooxaha:-

Hoggaamiyaha kooxda Eibar ee Jose Luis Mendilibar  ayaa la filayaa in uusan waxba ka badalin xiddigihii ugu soo wada bilawday kulankii ay guusha ka gaareen Kooxda Leganes.

Xiddigaha kala ah Fabian Orellana iyo Anaitz Arbilla ayaa hal jaalle u jira inay seegaan kulanka kale ee xiga dheesha Real Madrid.

Sidoo kale Kike Garcia iyo Charles ayaa laga doorbidi karaa Sergi Enrich dhanka weerarka marka loo eego shaqadiisii wacnayd ee kulamadii la soo dhaafay.

Maadaama uu qabo dhaawac dhanka jilibka ah xiddiga Real Madrid ee Gareth Bale ayaa wali shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulankan, inkastoo uu ku jiro xiddigaha isbuucaan loo soo xushay inay matali doona xulka qaranka Wales.

James Rodriguez ayaa sidoo kale shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo, iyadoo Real Madrid ay rajaynayso inuusan la safrin Colombia bishaan, maadaama xulkiisa uu ciyaarayo kulammada heerka qaran.

Da’yarka reer Brazil ee wacadaraha dhigaya fasal ciyareedkan ee Rodrygo ayaa markale ku soo bilaaban kara garabka midig kaddib markii uu saddexleey dhaliyay bartamihii isbuucan kulan qeyb ka ahaa Koobka Horyaalada Yurub ee Champions League.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxda Real Madrid ayaa guuleysatay sagaal ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka hortimid kooxda Eibar dhammaan tartamada oo dhan.

>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool sagaal ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka horyimaadeen Eibar tartammada oo dhan.

>- Naadiga Eibar ayaa si xiriir ah u dhibaatoonaysay shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka horyimaadeen Real Madrid tartammada oo dhan, waxaana laga dhalinayay isku celcelis ahaan kulan walba 2.5 gool.

>- Real Madrid ayaa shabaqeeda ilaashatay shan ka mid ah todobadii kulan ee u dambeeyay oo ay ka ciyaartay horyaalka La Liga, waxaana ay taasi ka dhigan tahay in Kooxda Zidane ay dadaal badan sameynayso.

>- In ka badan labo gool ayaa laga dhaliyay Eibar shan ka mid ah  lixdii kulan ee ugu dambeysay ooay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga taasi oo muujineysa in difaaca kooxdu uu biyo deys yahay.

>- Kooxda Real Madrid ayaan laga badinin 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka ciyaarta horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close