Chelsea oo saddexda dhibcood Stamford Bridge kaga qaadatay kooxda Crystal Palace…+SAWIRRO

(London) 09 Nof 2019. Chelsea ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Crystal Palace garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar ka tirsan kulamada 12-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Chelsea Iyo Crystal Palace.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Chelsea ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Tammy Abraham, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis reer Brazil ee Willian.

79-aad daqiiqo Chelsea ayaa markale heshay gool waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay Christian Pulisic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-0 ay guul kaga gaaryay Chelsea kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd garoonka dhaca Galbeedka magaalada London ee Stamford Bridge.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close