Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Eibar

(Madrid) 08 Nof 2019. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka horyaalka La Liga ay habeen dambe la ciyaari doonaan naadiga Eibar.

Zidane iyo wiilashiisa Real Madrid ayaa waxay habeen dambe ku booqan doonaan kooxda Eibar garoonkooda Ipurua Municipal, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 12-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxayna ku qasbanaan doonaan inay gacanta ku dhigaan saddexda dhibcood, si ay ugu dagaalamaan hogaanka horyaalka.

Macalinka reer France ayaa liiska xiddigaha uu ku dhawaaqay wuxuu ka reebay James Rodríguez iyo Gareth Bale, sababa la xiriira inaysan diyaar u aheyn, si la mid ah waxaa liiskan sababa la xiriira dhaawac kaga maqan daafaca reer Brazil ee Marcelo.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka habeen dambe ee Eibar:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close