RASMI: Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa bishii October ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(England) 08 Nof 2019. Waxaa lagu dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa bishii October ee horyaalka Premier League.

Xiddiga kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa bishii October ee horyaalka Premier League dalka England kaddib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Jamie Vardy ayaa wuxuu ugu dambeyntii kaga guuleystay abaal-marintan xiddigihii kula tartamayay ee kala ahaa İlkay Gündoğan (Man City), Willian (Chelsea) iyo Youri Tielemans (Leicester City).

Weeraryahanka reer England ayaa wuxuu dhaliyay gool kulankii ay 2-1 kaga adkaatay Leicester City kooxda Burnley 19-kii October, ka hor inta uusan seddexleey ka dhalinin Southampton isbuuc kaddib.

Image result for Gündoğan, William Jamie Vardy Player of Month

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close